20 jir ay saxaafadda maxaliga ah ku sheegtay magaciisa Franco Luis Ferrada Roman ayaa laga hor istaagay inuu geeriyoodo markii uu u dhacay xero lagu xanaaneynayay Libaaxyo isagoo uga gol lahaa inuu nafta isdhaafiyo.
Xerada Xayawaanaadka Santiago oo ku taal dalka Chile ayaa waxaa si caadi ah u booqda dad eegaya duurjoogta halkaa ku sugan, walow booqdayaasha aan loo ogoleyn inay u gudbaan goobaha qaar.
Franco ayaa beerta kusoo galay sida inuu yahay qof booqasho ku yimid isagoo bixiyay tikitkii goobta lagu galayay sida ay Mail Online kasoo xigatay agaasimaha Beertan Xayawaanka Alejandra Montalva.
Ninka ayaana usii gudbay halka aan loo ogoleyn inay u tallaabaan dadka meeshaa booqda, isagoo qeybta sare uga soo galay Libaaxyo deyr uu u go’naa.
Montalva ayaa xaqiijiyay in Franco uu dharka dhigtay isagoo bilaabay inuu cayaarsiiyo oo soo jiidasho uu u sameeyo Libaaxyada oo kolkii danbe weeraray.
Mid kamid ah ilaalada xaruntan xayawaanaadka lagu hayo ayaana toogasho ku dilay labo kamid ah libaaxyadii ku sugnaa halkaa si loo badbaadiyo 20 jirkaan oo dhaawacyo daran ay soo gaareen.
Ferrada Roman ayaana loola cararay xarun caafimaad oo ku taal Santiago iyadoo goor danbe la xaqiijiyay in ninkan oo iminka xaalkiisu degan yahay jeebkiisa laga helay warqad xusuus qor ah oo ka dhigneyd dardaaran sagootineed, isagoo ku xusay warqadda inuu naftiisa haligayo.