Home / Habka-Nolosha / Nani oo dhaliilay hab dhaqanka macallin Louis Van Gaal

Nani oo dhaliilay hab dhaqanka macallin Louis Van Gaal

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Fenerbahce Luis Nani ayaa weerar ku qaaday macallinkiisii hore Louis Van Gaal.

Nani ayaa ka tirsanaa kooxdii uu macallin Van Gaal ugu yimid gegada Old Trafford. hayeeshee xiddiga ayaa u muuqday inuu yahay mid aan safka macallinka Dutch looga baahneyn, waxaana xagaagii 2014/2015 amaah loogu diray kooxda Sporting Lisbon inta aan xagaa kaddib laga iibin kooxda reer Turki ee Fenerbahce.

Nani ayaa Times u sheegay “Kulammo badan iima uusan isticmaalin kulamaddii xagaaga la isugu diyaarinayay. Waxaan ahaa cayaaryahanka dheelay kulamadda ugu yar waxaana dareemayay in agtiisa aanan fursad ku heli doonin. Isaga iyo caawiyaashiisa way ku qeylinayeen cayaartoyda sida inaan aheyn carruur 18 sano jira.”

Weeraryahanka reer Portugal ayaa dhawaan lala xiriirinayay inuu dib ugu soo laaban doono kooxda Manchester United.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan