Home / Macluumaad / Naseem: “Aniga oo keliya ayaa qoray. Cidna ilama qaban, waxaana soo bilaabay 1987.”

Naseem: “Aniga oo keliya ayaa qoray. Cidna ilama qaban, waxaana soo bilaabay 1987.”

Muqdisho – Haweeney Pakistani ah oo la yiraahdo Naseem Akhtar, taas oo ku nool gobalka Gujurat ayaa muddo 32 sano ah ku bixisay inay farteeda ku qorto Kitaabka Jaamaca ee Qur’anka.

“Aniga oo kaliya ayaa qoray. Cidna ilama qaban, waxaana soo bilaabay taniyo markii aan da’yar ahaa sannadkii 1987-kii,” ayay tiri Naseem.

Howlgalkan oo ah midkii ugu adkaa nolosheeda, waxay maalin walba in yar ka qori jirtay aayadaha Qur’anka si ay u hubsato in qalad uusan ka dhex gelin ama deelqaaf aan laga helin.

“Ma aheyn mid dusha ka qortay, waxaan kasoo xigtay Kitaabada Qur’anka ee la daabacay,” ayay tiri.

Naseem hadda waxay rabtaa inay qoraalkeeda ay ku matasho tartamada caalamiga ee dalkeedu ka qeyb-galo.

“Waxaan rabaa inaan kaga qeyb-galo Buugga La-yaabka Dunida Guinness Book of World Records. Maadaama uusan qof tallaabtan iiga horreeyey,” ayay ku faantay.

Pakistan waa dalka saddexaad ee ugu Muslimiinta badan dunida kaddib Induniisiya iyo Hindiya. 96.4% dadkiisu waa Muslimiin Sunni ah – halka tira-yarta soo hartana ay yihiin Hinduu iyo Kiristaan.

Himilonetwork.com

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan