Home / Habka-Nolosha / Nashqadeeye af-saabyada la tuuro ka sameeya taajka aroosyada

Nashqadeeye af-saabyada la tuuro ka sameeya taajka aroosyada

Himilo – Xirasho ka dib tiro badan oo haraadiga af-saabyada ah ayaa maalinle loo tuuraa. Nashqadeeye ku sugan UK ayaa ku gguleystay inuu haraadigooda ka sameeyo taajka aroosyada.

Taajka uu sameeyay Tom Silverwood wuxuu ka kooban yahay 1,500 oo xabbo. Gabar xayeysiisa dharka ayaa soo bandhigtay lebbiskan afxirka ka sameysan.

Mr. Silverwood nashqadeeyaha taajka wuxuu sheegay in hal abuurkiisa uu uga dan leeyahay sidoo kale inuu wax ka qabto dhibaatada degaanka.

Mareegta Hitched oo Tom ka caawisay dhanka maaliyadda, waxay sheegtay in gudaha UK toddobaad kasta qiyaastii degaanka lagu tuuro 100 milyan oo xabbo oo ah haraadiga Af-xirka.

Sarah Allard, tifaftiraha mareegta Hitched ayaa sheegtay inay aroosyo badan dhici doonaan xaggaagan isla markaana ay filayaan inay lammaaneyaal badan ka heli doonaan dharka ka sameysan afxirka.

Taniyo soo ifbixii cudurka COVID-19 af-saabyadu waxay noqdeen caan laga siman yahay adeegsigooda dunida oo dhan. Haraadigooda oo degaanka dhibaato ku yahay hadda waxaa muuqata in dib looga faa’iideysanayo.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan