Home / Habka-Nolosha / Natiijada kulankii Soomaaliya ay ka hor tagtay dhigeeda Itoobiya

Natiijada kulankii Soomaaliya ay ka hor tagtay dhigeeda Itoobiya

Kulan ay u soo daawasho tageen kumanaan taageerayaal ah ayaa xulka qaranka 20 jirada Soomaaliya ay galabta la dheeleen dhigooda Itoobiya, waana lugta koowaad isreebreebka koobka qaramada Afrika ee 20 jirada.

Gool uu shabaqa cujiyay Tesfaye Shibru ayay hogaanga ku qabatay Itoobiya qeybtii koowaad ee cayaarta.

Qeybtii labaad wiilasha xulkeena Soomaaliya ayaa weeraro isdaba joog ah ku qaaday dhigooda Itoobiya, waxaana daqiiqaddii 64aad goolka barbaraha u soo celiyay daafaca Banaadir SC  Ciise C/qaadir Ibraahim.

Cayaarto oo u muuqata in barbaro min gool ah ay ku soo idlaatay, daqiiqaddii 90aad nasiib darro Saadaam Cabdullaahi Gaab oo Gaadiidka u dheela ayaa gool iska dhaliyay, iyadoo cayaartu ay ku dhamaatay 2-1 oo guushu ay ku raacday Itoobiya.

Lugta labaad xulkeena qaranka ayaa 22 bishan Jabuuti loogu soo martin doona waxayna heli karaan fursad soo laabasho.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan