Home / Habka-Nolosha / Natiijooyinka kulamaddii horyaalka Ingiriiska laga dheelay

Natiijooyinka kulamaddii horyaalka Ingiriiska laga dheelay

Dhowr kulan oo xiiso badan ayaa laga dheelay horyaalka Ingiriiska, kulanka u horeeyana waa kii dhexmaray kooxaha Everton iyo Arsenal.

Gunners ayaa xaqiijiyay inay guul ay u baahneyd ku soo gaartay gegada Goodison Park, waana guushii saddexaad oo ay soo gaarto tobankii kulan oo u danbeeyay oo ay ku dheeshay meel gurigeeda banaanka ka ah, walow boqorkoodii caawinta Ozil uu dhaawacmay.
wl
Goolal qeybtii hore ka kala yimid Danny Welbeck iyo xiddigii garoonka Alex Iwobi ayaa gayeysiiyay in Gunners 2-0 ay ku soo badiso.

Chelsea ayaa dhanka kale gegada Stamford Bridge ku soo dhaweysay kooxda booska shanaad West Ham United oo wacdaro dhigtay.

Manuel Lanzini ayaa daqiiqaddii 17aad dharbaaxada ku bilaabay Blues oo goolka barbaraha uu siiyay daqiiqaddii 45aad Cesc Fabregas.

Andy Carroll oo daqiiqaddii 62aad caawin ka helay Dimitri Payet ayaa hogaanka markale u dhiibay wiilasha macallin Bilic.

Cayaarta oo geba gebo aheyd ayuuna Cesc Fabregas gool ku laad gool u rogay daqiiqaddii 89aad si uu nafta ugu soo celiyo kooxdiisa Blues oo hal dhibic xoog ku soo dhacsatay xagaagan labo kulan oo ay la dheeshay West Ham.
fb
Crystal Palace ayaa gegada Selhurst Park ku soo dhaweysay kooxda Leicester City, inkastoo ay dadaashay oo biraha ay tuntay kooxdii loo martiyay hadana gool uu ka soo shaqeeyay Jamie Vardy waxaa shabaqa dhex dhigay Riyad Mahrez daqiiqaddii 34aad, goolkaa ayayna ku badisay kooxda Leicester oo iminka siddeed dhibcood oo nadiif ah ku heysa hogaanka horyaalka.

vr
West Bromwich Albion oo minankeeda joogta ayay jug xoogan kasoo gaartay kooxda Norwich City oo ku dubatay 1-0, waxaana goolka la yimid  qeybtii labaad daqiiqaddii shanaadba xiddiga Robert Brady.

Swansea City ayaa hal iyo eber dirtay kooxda Aston Villa oo soo booqatay, Federico Fernandez ayaana dhaliyay goolka farqiga sameeyay.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan