Home / Macluumaad / Nepal: 68 jir ku laabtay barashada cilmiga si uu u dhameeyo dugsiga sare

Nepal: 68 jir ku laabtay barashada cilmiga si uu u dhameeyo dugsiga sare

Durga Kami waa 68 jir u dhashay dalka Nepal, wuxuuna ina tusiyay in barashada cilmiga ay tahay arrin qof walba u furan oo aan da’ gooni ah iyo jinsi toona ku xirneyn.

Wuxuu iminka ku laabtay dugsiga sare si uu heer uga gaaro waxbarashada, isagoo fadhiistay fasalka 10aad ee dugsiga sare.

Faqriga ayaa kahor istaagay Kami yaraantiisii inuu dhameysto waxbarashada kana rumeeyo hankiisii ahaa inuu macallin noqdo.

Iminka waa 68 jir, wuxuu dhalay lix carruur ah iyo siddeed ay sii dhaleen, wuxuuna go’aan ku gaaray inuu aado lix maalin toddobaadkii waxbarasho, si uu uga dheeraado cidlada guriga kaddib geeridii xaaskiisa.

Inuu u socdaalo dugsiga sare ee Shree Kala Bhairab higher oo ay wax ka bartaan 200 oo carruur ah ayuu ka doortay inuu ku jiro aqal afar derbi ah oo aan cilmi laga kororsaneyn.

Durga Kami ayaa ku nool degmada Syangja oo 250 KM galbeedka uga beegan caasimadda dalka Nepal Kathmandu.
“Si aan murugada u baabi’iyo waxaan soo aadaa Iskuulka.” ayuu yiri Kami oo fasal wadaag la ah carruur da’doodu u dhexeyso 14-16 sanadood.

Kami ayaa dugsigiisa hoose iyo dhexe ku soo qaatay Kaharay primary school, wuxuuna carabaabay inuu doonayo sii wadista waxbarashada tan iyo inta uu ka dhimanayo.

1

3

2

6

5

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan