Home / Arrimaha Bulshada / New Zealand oo haweenka xiran xijaabka ku biirineysa boliiska

New Zealand oo haweenka xiran xijaabka ku biirineysa boliiska

Himilo – Waxaa soo kordhaya Haweenka musliminta ah ee guulaha iyo darajooyinka ka gaaraya himilooyinkooda, iyaga oo raacaya tilmaamaha diinta Islaamka.

Markan New Zealand, Zeena Ali ayaa wadadeeda guusha cagta saartay, waxeyna noqotay haweeneeydii ugu horreysay ee muslim ah ee iyada oo xiran xijaabka ka mid noqotay boliiska dalkaasi.

Zeena oo 30-jir ah todobaad kahor ayey ka qalin badelatay akademiyad ay leeyihiin ciidamadda boliiska, halkaas oo ay ku biirtay 2019-kii kaddib weerarkii lagu laayay muslimiin ee ka dhacay Christchurch.

Iyada oo xiran dharka xijaabka wata ee dhawaan lagu soo kordhiyay boliiska ayey u sheegtay New Zealand Herald “Waxay i dareensiineysa wax wayn inaan banaanka ula baxo oo aan tusiyo dadka in xijaabku ka mid yahay dharka ciidanka boliiska New Zealand, taasi waxaan u maleynayaa in haweenka muslimiinta ah ay ku dhiiri galin doonto iney kusoo biiraan ciidanka”.

“Waxaan u baahanahay dumar badan oo muslimiin ah si aan u caawino bulshadeena, waa ay ka baqdaan boliiska waxeyna xirtaan albaabka haddii ruux rag ah uu doono inuu la hadlo” ayey sii raacisay Zeena Ali.

New Zealan oo ay ku nool muslimiin badan waxey ku biireysaa dalalka ay ka mid yihiin Turkiga, Scotland iyo Canada, kuwaas oo ogolaansho u siiyay haweenka musliminta ah inay xirtaan xijaabta inta ay gudanayaan waajibaadka saaran.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan