Home / Macluumaad / New Zealand: Shimbir la raadinayo ciddii lahayd!

New Zealand: Shimbir la raadinayo ciddii lahayd!

Himilo – Masuuliyiinta magaalo ku taalla New Zealand ayaa isku dayaya inay helaan milkiilihii lahaa daa’uus dool ah (baadi ah) oo lagu arkay isagoo dhex socda waddo.

Golaha magaalada Wellington ayaa sheegay in masuulyiinka magaalada ay ku soo war-geliyeen daa’uuska lunsan kaddib markii sawiradiisa lagu faafiyay baraha bulshada

Noociisa marka la eego wuxuu ka soo jeedaa India, koonfura bari ee Asia iyo bartaha Africa. Madaxda ayaa sheegay in daa’uuskan uu yahay dab joog soo baxsaday.

“Haddii aad leedahay, ama aad garaneyso ciddii laheyd, siin taleefanka 04 499 4444 si ay noo soo wacaan dib Ayaan ugu celin doonaa.” Qoraal ay baahiyeen golaha ayaa sidaas lagu yiri.

Milkiilaha waxaa laga rabaa inuu toddobo maalin gudahood ugu yimaada haddii waxaa dib u dejin loogu sameyn doonaa carwada xayawaanada qaranka.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan