Himilo– Paris Saint-Germain ayaa la kulantay guul-darradeedii koowaad ee Champions League ee xilli-ciyaareedkan, waxaana xalay 4-1 ku bahdishay Newcastle United oo sababtay in rikoodh ceeb ah loo diiwaangeliyo kooxda reer France.
Newcastle United oo garoonkeeda St James’ Park ku ciyaartay kulankii koowaad ee Champions League ah muddo ka badan 20 sannadood, ayaa waxa ay PSG u ahayd guul-darradii ugu weynayd ee kasoo gaadha tartankan tan iyo xilli-ciyaareedkii 2012.
Markii ugu dambaysay ee PSG laga dhaliyo afar gool kulan Champions League ah, waxay ahayd March 7, 2012 oo ay Deportivo de la Coruna ku dhalisay afar gool.
Waxa kale oo ay u ahayd rikoodhkii ugu xumaa ee ay PSG kala kulanto koox Ingiriis ah. 16 jeer oo ay iska hor yimaaddeen kooxaha Premeir League iyo kuwa horyaalka Ligue 1, waxa 13 jeer guul-darraystay kuwa Faransiiska oo libinta siiyey kuwa Ingiriiska. RC Lens’ ayaa guusheedii Arsenal ay noqotay middii ugu dambaysay ee ay Faransiisku kasoo gaadhaan naadiyada Ingiriiska.
Tababare Luis Enrique ayaa sidoo kale loo diiwaangeliyey rikoodh xun oo isaga khaas u ah. Waxay u ahayd ciyaartiisii sagalaad ee uu PSG tababarayo balse afar kaliya ayuu guul u keenay, waana rikoodhkiisii ugu xumaa ee tababarenimo ee abid loo diiwaangeliyo.
Waxa kale oo uu Luis Enrique noqday tababarihii ugu guulaha yaraa ee PSG layliya tan iyo sannadkii 2009, waqtiaas oo Antoine Kombouare uu afar guulood ka keenay sagaalkii ciyaarood ee ugu horreeyey.