Home / Cayaaro / Newcastle United oo bartilmaameedsanaysa Ousmane Dembele, Dele Alli, iyo Jesse Lingard

Newcastle United oo bartilmaameedsanaysa Ousmane Dembele, Dele Alli, iyo Jesse Lingard

Kooxda Newcastle United ayaa lagu soo warramayaa inay suuq furan liiska ku darsatay xiddigaha Ousmane Dembele, Dele Alli iyo Jesse Lingard.

Saddexda ciyaaryahan ayaa lala xiriirinayay inay kooxahooda ka tagayaan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Dembele ayaa diidaya in uu heshiis cusub u saxiixo Barcenola balse loo sheegay in uu koox cusub raadsado ka hor inta uuna suuqu xidhmin 31ka January.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Alli ayaa loo arkaa inuu bartilmaameed u yahay tababaraha Newcastle Eddie Howe, iyadoo 25 jirkaan uu ku soo bilowday kaliya sideed kulan oo Premier League ah kooxda Antonio Conte ee Spurs xilli ciyaareedka oo dhan.

Dhanka kale, Lingard ayaa ku guuldareystay inuu ku soo bilowdo kulamada horyaalka ololahan oo dhan ee Man United, inkastoo uu si weyn ugu guuleystay amaah qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore West Ham United.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan