Home / Habka-Nolosha / Neymar da oo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka kabtanimo ee xulkiisa qaran.

Neymar da oo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka kabtanimo ee xulkiisa qaran.

Neymar oo xulka Brazil tariiqda markii ugu horeysay u qaaday biladda dahabka ah ee Cayaarta Kubada cagta ee Olombikada aduunka ayaa go’aansaday inuu iska casilo xilka kabtanimo ee xulka Brasil.

Xiddiga kooxda Barcelona ayaanan ka hadlin sababta ku kaliftay go’aankan laakin waxaa loo badinayaa inuu ka niyad jabay tageerayaasha xulka Brazil oo xushmo darro u muujiyay ka hor inta uusan ku guuleysan bilada dahabka ee qeybta kubadda cagta ee Olombikada aduunka.

“sharaf ayeey ii aheyd inaan xirto calaamada kabatanimo laakiin maanta wixii ka dambeeya waan joojiyey inaan kabtan sii ahado waxaan rabaa inaan fariin u diro tababaraha xulka Brazil si uu hada wixii ka dambeeya u xusho kabtan kale ayuu yiri Neymar.”

Ciyaaryahan Neymar da Silva Santos Júnior, oo 24-jira ayaa bishii September ee sanadkii 2014 loo magacaabay xilka kabtanimo ee xulka Brazil wuxuuna xilkan kala wareegay Thiago Silva.

Tababaraha xulka Brazil ayaa hada laga sugayaa qofkii uu u magacaabi lahaa xilka kabtanimo ee xulka Jaalayaasha lagu naaneyso maadaam uu hada xilka kabtanimo iska casilay Neymar.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan