Neymar Jr. ayaa lagu wadaa inuu heshiis lix sano oo dheeri ah kusii heyn doona Camp Nou qalinka ku duugo, si loogu deyriyo kooxaha xiiseynaya kabtanka qaranka Brazil.
Wiilkan horaan loola xiriirinayay kooxaha Manchester United, Manchester City iyo Paris-Saint Germain ayaa iminka kooxda Catalonia ka dhisan kula jira qandaraas ku eg sanadka 2018.
The Sun ayaa ku warameysa in Neymar uu wadahadal kula jiro kooxda Barcelona, haddii qandaraas cusub uu saxiixana lacagaha lagu burburin karo heshiiskiisa ayaa gaari doona £170m.
24 jirkaan ayaana qandaraaskiisa cusub kusii heyn doona kooxa ilaa 2022, isagoo toddobaadkii heli doona adduun lacageed dhan £77,000.