Home / Madadaalo / Nguyen Van: Ninka rumeysan haddii uu tintiisa jaro inuu dhimanayo

Nguyen Van: Ninka rumeysan haddii uu tintiisa jaro inuu dhimanayo

Himilo – Xayiraadda ka dhalatay Feyruska Corona, ayaa sababtay in badi ragga ku nool dalalka caalamka ay ku baxdo tinta,balse waxaa taasi ku illowsiinaya muwaadin u dhashay Fiyatnam.

Nguyen Van Chien, ayaa 80-sano oo ka mid ah cimrigiisa jarin tintiisa, ku darsoo xittaa ma uusan shanleeyn waqtigaasi.

92-jirkan kasoo jeeda gobolka Mekong Delta ee koofurta Vietnam, ayaa la dhacsan inuu yahay milkiilaha tin dhirirkeedu gaarsiisan yahay 5-mitir.

Waxa uu rumeysan yahay, in xiriir quman uu ka dhaxeeyo jaridda tinta ruuxa iyo geeridiisa, waxa uuna aaminsan yahay in haddii uu jaro amaba shanleeyo tintiisa inuu dhimanayo.

“Kaliya waan xanaaneeyaa, daboolaa si ay u ahaato mid qalalan oo nadiif ah muuqaal ahaana qurxoon” ayuu u sheegay Reuters.

Wiilkiisa Loum – oo qudhiisa rumeysan haddii aabihii tinta laga jaro inuu dhimanayo –ayaa ka caawiya xanaaneynta tinta.

Markii ugu danbeysay ee uu tintiisa jaro, waxa ay ahayd markii uu ahaa fasalka saddexaad ee dugsiga,xilligaas oo uu go’aansaday in mar kale jarin, shanleeyn oo xittaa uusan dhaqin tintiisa.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan