Home / Cayaaro / Nicolas Pepe oo ku sugan London

Nicolas Pepe oo ku sugan London

Himilo – Nicolas Pepe ayaa ku sugan London si uu u maro tijaabada caafimaadka isla markaana uu u dhameystiro heshiiska shaqsiyeed ka hor inta uusan u dhaqaaqin Arsenal oo uu ka soo wareegin kooxda Lille.

Kooxda Arsenal ayaa horay u aqbashay heshiis dhan 72 milyan ginni oo ay siinayso kooxda Ligue 1 ka dhisan.

24 jirkan ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo inuu yahay saxiixii afaraad ee xagaaga  kooxda Gunners isbuucaan, ka dib weeraryahanka Gabriel Martinelli, qadka dhexe Dani Ceballos, kaasoo amaah hal xilli ciyaareed ah uga soo biiray Real Madrid, iyo daafaca William Saliba, kaasoo lagaga soo iibsaday St Etienne £ 27m isla markaana si amaah ah ugu soo laabtay kooxda Ligue 1 ka dhisan..

Pepe ayaa ka dhaliyay 22 gool Ligue 1 sanadkii hore wuxuuna hada qarka u saaranyahay  inuu dhameystiro u dhaqaaqista garoonka Emirates Stadium.

Ciyaaryahankan  ayaa hore loola xiriirinayay kooxaha Manchester United iyo Napoli laakiin Gunners ayaa u muuqata inay si lama filaan ah uga dul qaaday naadiyadan.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay Angers waxaana uu  ifay tan iyo markii uu ku  biiray Lille sanadkii 2017.

Heshiis kasta waxaa la rajaynayaa inuu ka sare maro saxiixa  rikoorka ee Arsenal – 55 milyan ginni ay ku iibsadeen Pierre-Emerick Aubameyang bishii Janaayo 2018.

Dhanka kale kooxda Lille ayaa lala xariirinayaa xidiga kooxda Watford ee Dodi Lukebakio si uu badal ugu noqdo Pepe.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan