Himilo – Seynisyahano Nigeria u dhashay ayaa soo saaray qalab cusub oo lagu baari karo feyruska sababa xanuunka Covid-19, si loo daboolo baahida sii baaheysa ee loo qabo helidda PCR.
NIMR, Machadka cilmibaarista caafimaadka Nigeria, ayaa sheegay in qalabkaasi uu ka jaban yahay kan hadda dunida oo dhan laga isticmaalo ee PCR natiijadana uu soo saarayo 40-daqiiqo kadib.
Qalabkaasi oo la iibiyo 25-doolar, ayaa waxaa ku xiran mobile loo adeegsan karo aqrinta natiijada baaritaanka, taas oo sababi karta qatar kale markii ay natiijada rogrogaan kalkaaliyeyaal caafimaad oo tababarkoodu liito.
Babatunde Salako, agaasimaha Machadka oo la hadlayay CNN ayaa qiray in qalabka uusan tayo ahaan gaarsiisneen kan hadda laga adeegsado dunida, balse la adeegsan karo.
Qalabkan, ayaanan wali helin aqoonsi caalami ah. Dadka ka badan 60-kun oo ruux ayuu ku dhacay Covid-19 gudaha Nigeria, halkaas oo ay ku nool yihiin 200-milyan oo qof.