Nin 25 Xabo oo moobiillada iPhone-ka codsi guur ugu ban-dhigtay saaxiibtiisa!

Muqdisho – Chen Ming, oo ah da’yar ku nool Shenzen, dalka Shiinaha ayaa dhawaan soo jiitay indhaha dadka la dhacsan isticmaalka telafoonnada iPhone-ka kadib markii uu 25 xabo oo cusub usoo iibsaday si uu astaan jaceyl ah ugu sameeyo gabadha uu jeclaaday si ay uga aqbasho jaceylkiisa.

Chen ayaa dalbaday 25 xabo oo nuuca iPhone-ka ah markii lasoo saaray wuxuuna u diyaarsaday inuu saaxiibtiis ugu bandhigto aqbalista jaceylkiisa.

Labaduba waxay kulmeen laba sano kahor. Si aanay uga shakin cusubsanaanta telifoonnada wuxuu goobta uu kusoo bandhigayay kaga furfuray baakadaha.

Markii ay indhaha ku qabatay, gabadha oo lagu magacaabo Lee waxay la qososhay farxad, wayna ka aqbashay dalabkiisa ah inay nolosha ku midoobaan. Dulucda ku jirta tirada intan la’eg inuu kusoo bandhigto waxay ka dhigan tahay da’da ay saaxiibtiis jirto oo ah 25 sano.

Muuqaalka laga soo qaaday oo aad ugu baahay baraha bulshada ayaa la yimid aragtiyo u badan dhaleeceyn. Dad badan ayaa sheegay in bedelkii uu ku dhawaad 31,000$ ku bixin lahaa iibsiga 25 iPhone ay u fududaan lahayd iibsiga gaari iyo guri ay ku wada raaxaystaan.

Cheng Ming wuxuu isku magacaabi karaa nasiiblow maadaama saaxiibtiis ka aqbashay inay xaas u noqoto. Saddex sano kahor, nin kale oo Shiinees ah ayaa adduun dhan $100,000 ku bixiyay 6 iPhone hanashada qalbiga saaxiibtiis. Balse waa lagu gacan-seyray maadaama gabadhu rabtay inuu dheyman u iibiyo.

iPhoneX-marriage-proposal3 iPhoneX-marriage-proposal4

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan