Home / Arrimaha Bulshada / Nin 40 sano raadinayay cunnada asalka ee dalkiisa

Nin 40 sano raadinayay cunnada asalka ee dalkiisa

Himilo – Dadyowga dunida ayaa ku kala duwan waxyaabo badan oo nolosha la xiriira, halka ay jiraan arrimo ay wadaagaan. Cunnooyinka waxay ka mid yihiin waxyaabaha aan laga sinneyn  karis ahaan, nooc ahaanba.

Nin 72 jir ah oo ku nool Mareykanka, Los Angeles, kaas oo dhalasho ahaanna ka soo jeeda waddanka Shiinaha, ayaa 40 sano ee la soo dhaafay ku hawlanaa raadinta cunnada asalka ah ee u gaarka ah dadka reer Chine.

David R Chan Intii uu waday baadi-goobkiisa, wuxuu tagay oo uu wax ka cunay ku dhawaad 8,000 makhaayadood si u helo cunnada fadhiga iyo jiifka u diiday. Mid kasta oo uu tago makhaayadaha  wuxuu ka qorayay macluumaadkeeda.

Ninkan ayaa booqday inta badan gobolada dalka Mareykanka isagoo ku jiray dedaalkiisa  helidda cunnada asalka ah ee dalkiisa. Meelaha uu tagay waxaa ka mid ah New York, San Francisco, iyo Mississippi. Sawirro cunnada ayuu dadweynaha kula wadaagaa Instagram.

David R Chan wuxuu sheegay inuusan yaraantiisii cunin cunnada dalkiisa. 1950s ayuu markii ugu horreysay carrabka saaray dhadhankeeda. Balse wuxuu caddeeyay in cuntadaas aysan aheyn mid aad u hormarsan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan