Home / Habka-Nolosha / Nin 49 xabbo oo tufaax ah oo lagu soo tuuray ku qabtay afkiisa

Nin 49 xabbo oo tufaax ah oo lagu soo tuuray ku qabtay afkiisa

Himilo – Nin ku nool gobolka  Idaho ee waddanka Mareykanka ayaa sameeyay taariikh cusub kadib markii uu daqiiqad gudaheed uu afkiisa ku qabtay 49  xabbo oo tufaax ah.

David Rush wuxuu horey u jebiyay in ka badan 200 oo rikoor oo uu xusay inuu ku dhiiri gelinayay waxbarashada sayniska, tiknolojiyada, injineeriyadda iyo xisaabta.

Wuxuu intaa ku daray in tufaaxyada si talan-taali ah looga soo tuuuryayay meel u jirta 15 cagood. Intii ay socotay hawsha ilko ku qabashada waxaa la arkayay dhiig ka yimid afkiisa.

Tufaaxyada ayaa ahaa kuwo yaryar balse wuxuu tilmaamay inay aad u xanuun jiyeen. Ciridka iyo bishimaha waxaa ka soo gaaray dhaawacyo dildilaac ah.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan