Home / Macluumaad / Nin afadiisa gubay markii sawir dhigtay barteeda facebook

Nin afadiisa gubay markii sawir dhigtay barteeda facebook

Muqdisho – Hooyo ayaa dhaawac darani soo gaaray kadib markii seygeeda uu dab ku qabtay.

28-jirta lagu magacaabo Chatchawarn Tarrin oo ku nool Thailand ayaa sheegtay in seygeeda uu ka xanaaqay markii ay facebook-geeda saartay sawir iska caadi ah oo ay gashay.

Tarrin oo degan Chiang Kham waxay tilmaantay in markii ay guursatay ninkeeda lagu magacaabo Nednapha Nuankhul, oo 26-jir ah uu aad ugu ad-adkaa xaggeeda.

Waxayna wada joogeen ilaa ay isku dhaleen laba cunug. Si kastaba muddo kadib Nuankhul ayaa si xun u badalay nolosha afadiisa.

Maalin iyada oo jikada ku jirta ayuu gaas ku daadiyay wuxuuna kula qabtay dab.

Tarrin waxaa wada gubtay gibilkeeda oo dhan. Waxayna martay saddax qalliin taniyo shilkaas iyada oo ay dhaqaatiirtu sheegeen inay u baahan tahay qalliinno dheeraad ah.

Bushimaheeda iyo gacanteeda midig ayaa u gubtay si daran. Waxayna hadda dhib ku qabtaa cunista iyo adeegsiga gacmaheeda.

“Markii aan gubtay; waxaan mooday inaan Naarta ku jiro. Wuxuu ahaa xanuunkii ugu xumaa ee qof bani Aadan ah uu maro,” ayay tiri Tarrin.

Hadda Nuankhul waxaa lagu hayaa xabsiga damaanad la’aan.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan