Home / Macluumaad / Nin afadiisa jirdil ugu bedelay like walba oo sawirkeeda loo saaray.

Nin afadiisa jirdil ugu bedelay like walba oo sawirkeeda loo saaray.

Muqdisho – Ninka ayaa heerkii ugu xumaa ka gaaray maseyrka markii afadiisa uu ku jirdilay mar kasta oo sawirkeeda like la saaro, marka loo eego booliska Paraguay.

Booliska Nemby ayaa sheegay inay xireen 32-jir-ka lagu magacaabo Pedro Heriberto Galeano kaas oo lagu eedeeyey inuu guriga ku dhex xirtay afadiisa kadibna bilaabay inuu jirdilo muddooyinka bilo ah.

Galeano ayaa lagu eedeeyey inuu ku xad-gudbay afadiisa, haddii la xukumo waxaa lagu ridi doonaa 30 sano oo xarig ah. Marka loo eego baaritaanka booliska, Galeano ayaa guursaday 21-jirta lagu magacaabo Adolfina Camelli Ortigoza.

In yar kadib guurkooda, wuxuu bilaabay inuu kormeero xaaladaheeda gaar ahaan akoonkeeda facebook.

Galeano wuxuu aad uga hinaasay sawirrada saaxiibtiis oo mar kasta oo ay soo dhigto baraha bulshada helaya like- badan. Wuxuu ku eedeeyey inay qiyaanto.

Markii ay afadu isku dayday inay iska xirto koontadeeda facebook, wuxuu si qarsoodi ah uga soo xaday sawiraddeeda isaga oo soo dhigaya internet-ka. Mar kasta oo like la saaro sawirka, wuxuu uga bedelaa jirdil iyo qaniinyo.

Wejiga dhan wuxuu ka noqday wada nabar. Waxaana sidoo kale oo ka diiday inay bannaanka u baxdo.

Aabihiis ayaa si kastaba ugu yeeray booliska si loo badbaadiyo isaga oo tilmaamay inuu u baqay nolosheeda.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan