Home / Macluumaad / Nin afadiisa ku furaya dhalista carruur badan oo uu qadyaan ka joogo!

Nin afadiisa ku furaya dhalista carruur badan oo uu qadyaan ka joogo!

Muqdisho – Sey ayaa la niyad xun kadib markii afadiisa ay noqotay xaamilo kadibna ay dhashay cunug fasax la’aantiisa, marka loo eego dukumenti maxkamadeed oo Nigeria ku taalla.

39-jirka lagu magacaabo Michael Ayinde ayaa dacwad furriin ah ka gudbiyay afadiisa oo u hanqal-taagaysa dhalista carruur dhowr ah – iyada oo hadda heysata 6 carruur ah muddo laga joogo 9 sano markii ay is guursadeen.

Ayinde ayaa sheegtay inuusan la noolaan karin afadiisa Glory maadaama ay carruur badan dhashay. Wuxuu maxkamadda u sheegay in heerka dhaqaalihiisu uusan u saamaxeyn xanbaarista mas’uuliyaddooda sida siinta cunnada ay u baahan yihiin iyo wixii soo raaca.

Ayinde wuxuu sidoo kale sheegay in afadiisu aysan cunno u karin; gurina aysan nadiifin. Wuxuu kol hore iska iibiyay gaarigiisa iyo hanti kale oo uu lahaa si uu carruurtiisa u kaafiyo.

Ayinde wuxuu xusay in kahor intaysan is-guursan ay afadiisa Glory iyo isagaba ku ballameen inay dhalaan laba carruur oo kaliya. Kadib dhalista afar carruur ah, Glory waxaa laga buriyay shaqada.

Ayinde ayaa warsaday inay aado goobaha latalinta qoyska; wayna ka yeeshay. Waxayna martay hab raac caafimaad si ay uur danbe kaga hortagto. Hayeeshe way ka baxday balankii; waxayna qaaday uur uusan ninkeedu ka war-qabin.

Maalin ayay Glory ka dhuumatay aqalka, waxayna in yar kadib usoo dirtay farriin u qorneyd: “Waxaan qaaday uur, waana kusoo laabanayaa guriga marka aan dhalo.”

Markii ay dhashay canugeedii lixaad oo ay u bixisay David, Glory waxay kusoo noqotay aqalka – iyada oo seygeeda u sheegtay inay dooneyso dhalista cunug kale.

Glory sooma xaadirin dacwadda maxkamadda, garsoorka ayaana ka dalbaday inay timaado dhageysiga xiga ee dacwada.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan