Himilo FM – Dib u helidda jaceyl lumay in loo maro cunno ka soomid waxay u badantahay ficil aan ku habbooneyn, balse talaabadan waxaa ku fekeray oo ay u shaqeysay wiil ka soo jeeda India. Waxa uu hor fariistay guriga saaxiibtiisa isagoo diiday inuu wax cuno ilaa ay ka ogolaato guurkiisa.
Ananta Burman waxa uu kasoo jeedaa gobolka Bengal waxa uu lahaa xiriir sideed sano soo socday, balse dhawaan saaxiibtii Lipika, waxay si lama filaan ah oo fudud u goysay dhamaan xiriirkii iyadoo ka dhego fureysatay inay ka wajaabto wicitaanadiisa.
Mr Burman waxa uu garowsaday inay wax qaldan yihiin ugu damneyna waxa uu ogaaday in gabadhii uu jeclaa la siinayo nin kale! Kasii darane arooskeeda waxaa ka dhiman wax yar. Waxa uu go’aansaday inuu sameeyo dhacdo dhib ah oo uu ku soo ceshanayo lamaantiisa.
Waxa uu hoy ka dhigtay bannaanka hore ee guriga gabadha isagoo cuntada ka soomay, gadoodka Burman waxa uu durba soo jiitay dareenka dadkii ag marayay sababtoo ah waxa uu haystay boor ay ku qorneyd “ Soo laabo sideedayda sano” waxaa ku soo aruuray dad taageersan.
Sheekada jaceyl ee Burman waxay ku fiday bulshada deegaanka, dadka goobta yimid waxaa ka mid ahaa qoyska doonayay inay u guuriyaan gabadha uu jecel yahay Ananta. Saacado soon ah ayaa saameyay caafimaadkiisa waxa loo qaaday Cisbitaal.
Xitaa markiii istibaalka la geeyay waxa uu diiday inuu wax cuno, markay sidaa dhacday dadkii deegaanka ayaa Lipika iyo qoyskeeda ka dalbaday inay badbaadiyaan nolosha Ananta, intaa kaddib waxaa la joojiyay arooska gabadha oo soo dhawaa ,Kadibna Ananta iyo Lipika waxaa laysugu guuriyay si deg deg ah.