Home / Macluumaad / Nin haweeney u shaqaaleysiiyay inay dharbaaxdo!

Nin haweeney u shaqaaleysiiyay inay dharbaaxdo!

Himilo – Maneesh Sethi oo ah qoraa iyo ganacsade Indian-American ah ayaa haweeney u shaqaaleysiiyay inay wejiga ka dharbaaxdo mar walba oo uu Facebook furo. Mr Sethi wuxuu ahaa dadka aadka u adeegsada mareegta Facebook, wuxuu sheegay in tallaabadaas uu uga dan lahaa inuu kordhiyo wax soo saarkiisa maalinlaha ah.

“Waxaan raadinayaa qof igu dhinac shaqeyn kara, kaas oo la socon kara waxa ka socda shaashadda mobile-keyga iyo computer-kayga, marka aan wakhtiga luminayo igu qeylya xitaa haddii loo baahdo i dharbaaxa.” Craigslist oo ah bog shaqooyin lagu soo bandhiyo ayaa sidaas lagu daabacay.

Wax ka yar saacad markii shaqadan la xayeysiiyay waxaa codsaday 20 qof. Mr Sethi ayaa isla bogga Craigslist ku soo qoray waxaan shaqaaleysiiyay gabar si ay wejiga iiga dharbaaxdo markaan isku dayo inaan isticmaalo Facebook.

Ninkan ayaa shaqaaleysiiyay gabar magaceeda lagu soo koobay Kara taas oo saacaddii ku shaqeyneysa $8 doollar. Maneesh Sethi ayaa sheegay tanito markii uu go’aankan qaaday inuu koray wax soo saarkiisa oo uu gaaray 98 boqolkiisa, halka markii hore uu ahaa 35%.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan