Home / Macluumaad / Nin is-gubay markii saf bangi uu ku dheeraaday!

Nin is-gubay markii saf bangi uu ku dheeraaday!

Muqdisho – Nin ku nool dalka Australia ayaa malaayiin Doolar qasaariyay gudaha Bangiga kadib markii uu dab isku qabtay – waayo waxaa ku dheeraaday safka loogu jiro adeegga bangiga.

22-jirka lagu magacaabo Nur Islam oo ku nool Melbourne, wuxuu sugaalka ugu jiray safka Bangiga Commonwealth Bank.

Marka loo eego booliska, Islam oo ka yimid Myanmar, sharci-darrana ku jooga dalkaas, wuxuu doonayay inuu lacag dhan $442 kala baxo koontadiisa.

Markii uu in muddo ah sugay, wuxuu ku daalay safka, wuxuuna ogaa in dad badan wali kasii horreeyaan.

Kaamirada muuqaal ay duubtay ayaa muujiyay Nuur oo kaalin shidaal oo u dhow kasoo gatay gaas ku kacay lacag dhan  $14.71.

Kadibna wuxuu kusoo socday safka isaga oo ku bilbilay bangiga kahor inta uusan janta-siigar isku daarin.

Markii uu shilka dhacay waxaa bangiga ku sugnaa 14 shaqaale iyo 23 macmiil. Islam wuu samata-baxay.

Marki laga soo saaray isbitaalka, waa la xiray.Waxaa lagu oogi doonaa danbiyo dhowr ah oo ay kamid tahay wax-yeeleyn hanti.

Maxkamadda ayaa maqashay in bangigu uu qasaariyay adduun dhan 3 milyan. Islaam wuxuu sheegay inuusan ugu tala-gelin qofna inuu wax-yeelo.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan