Home / Macluumaad / Nin isaga oo cabsan cagaf-cagaf usoo kaxaystay maqaayad.

Nin isaga oo cabsan cagaf-cagaf usoo kaxaystay maqaayad.

Muqdisho – Saraakiil boolis ayaa aad ula yaabay markii ay cagaf ku arkeen maqaayad horteeda, marka loo eego booliska UK.

Booliska Cumbria Roads ayaa bartooda twitter-ka soo dhigay sawir cagaftan sheegeyna inay xireen ninkii lahaa.

Ninka wuxuu soo dhigtay cagaftan maqaayadda horteeda isaga oo cabsan waana xirnay, ayaa lagu yiri war qoraalkooda.

Boolisku masheegin heybta ninkan. Balse Luke Coburn oo in yar kadib isku sheegay inuu ahaa qofka iska leh cagafta ayaa tilmaamay inuusan jecleyn in warkiisa lagu daabaco baraha bulshada.

Wuxuu sidoo kale iska difaacay warka booliska, isaga oo sheegay inuu koob kaliya cabay oo uusan aad u saqraansaneyn.

Wuxuu xusay in boolisku markii danbe ay ka saareen sawirkiisa  bartooda.

Waxaa loo diray bar baaritaan halkaas oo lagu cadeeyey inuusan aad u cabsaneyn.

Wuxuu tilmaamay inuu go’aansaday adeegsiga cagafta maadaama uu dareemay gaajo aad u xun.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan