Himilo – Dadku waxay ka fogaadaan inay xabsi galaan noloshooda balse nin ku nool dalka Talyaaniga waxaa la soo weriyay inuu dalbaday in xabsi la geliyo
Sodon jirkan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Waddanka Albania ayaa sheegay inuu u dul qaadan waayay la noolaanshaha xaaskiisa oo uu xusay inay dhibtay.
Wuxuu caawinaad ugu tagay booliiska oo uu weydiistay inay jeelka u dhaadhiciyaan si uu uga baxsado afadiisa. Waxaa la soo tebiyay inuu ninkan bilooyin arrimo maandooriye la xiriira uu ugu xirnaa guriga.
“Nolosha Guriga waxay noqotay cadaab. Kuma sii jiri karo, waxaan doonayaa inaan xabsiga aado,” dhibbaha ayaa sidaas laga soo xigtay.
Sheekadan waxay ka dhacday magaalada Guidonia oo dhacda duleedka caasimadda Talyaaniga ee Rome, waxaa socda baaritaan lagu sii ogaanayo gunta hoose sheekada.