Home / Habka-Nolosha / Nin lagu xukumay in uusan Israel ka bixi karin ku dhawaad 8000 sano

Nin lagu xukumay in uusan Israel ka bixi karin ku dhawaad 8000 sano

Himilo – 44-jirka lagu magacaabo Noam Huppert, tan iyo sanadkii 2013, waxa laga mamnuucay in uu ka dhaqaaqo Israel inta laga gaarayo sannadka 9999-ka, markii lagu eedeeyay in uusan bixin qarashkii la siin lahaa carruurtiisa.

Sanadkii 2013, Huppert waxaa lagu xukumay inuu bixiyo qiyaastii $3.34 milyan si uu u masruufo carruurtiisa ilaa ay ka gaarayaan da’da 18-jirka. Wuxuu ka tagi karaa Israa’iil haddii uu bixiyo lacagtaasi, haddii kale, wuxuu Israa’iil sii joogi doonaa 7,977 sano oo kale.

Qofna si dhab ah uma garanayo sababta sanadka 9999 loo doortay laakiin waxay u muuqataa in tani ay tahay taariikhda ugu badan ee nidaamka kombiyuutarku aqoonsan doono.

Huppert waxa uu Israel yimid sannadkii 2012-kii si uu ula xiriiro labada carruur oo ay u dhashay xaaskiisa hore. Carruurtu waxay xilligaas kala jireen saddex bilood iyo shan jir

Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Australia way diiday inay faallo ka bixiso.

Qore: Maxamed Xasan Guhaad

About Ahmed Haaddi

3 comments

  1. While a number of studies have evaluated the strengths of these promoters in various cellular contexts 1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, there is generally a shortage of systematic comparisons of the behaviors of commonly used constitutive promoters across multiple cell types under the same experimental conditions order cytotec pills

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan