Muqdisho – Nin duurka kala yimid mas si uu xanaaneysto ayaa nolosha lagu cunay, marka loo eego booliska Thailand.
Booliska degmada Kong Krailat ayaa sheegay in looga yeeray guri ku yaalla xaafadda Sukhothai si loo siiyo warbixin la xiriirta mas gebi ahaanba wada cunaya ninkii lahaa.
Saraakiisha booliska oo goobta soo gaaray ayaa xaqiijiyay geerida ninka. Wuxuu u dhintay neef-qabad kadib markii masku uu cunaha ku dhegay.
Marka loo eego baaritaanka booliska, 55-jirka lagu magacaabo Sawan Tabklai wuxuu duurka kala yimid mas dherer ahaan la’eg 21 feet – isaga oo guri la yimid si uu u xanaaneysto.
Maalintii Talaadada, Tabklai wuxuu quudiyay maska markii uu gacanta ka qaniinay.
Kadibna wuxuu kusii socday inuu qaniino luqunta ilaa uu neef-qabad u dhinto.
Ninka dhintay walaashiis, Sawaeng Tabklai oo 63-jir ah ayaa maqashay cabaadka walaalkeed, waxayna isku dayday inay caawiso.
Waxay u yeertay jaarka oo ka fujiyay maska cunaha ninka, waxayse ahayd goor danbe oo uu dhintay.
Maska waxaa lagu sii daayay duurka.