Home / Habka-Nolosha / Nin muddo 43 sano u xirnaa denbiyo uusan gelin
Kevin Strickland, 62, managed a smile while talking to the media after his release from prison, Tuesday, Nov. 23, 2021, in Cameron, Mo. Strickland, who was jailed for more than 40 years for three murders, was released from prison Tuesday after a judge ruled that he was wrongfully convicted in 1979. (Rich Sugg/The Kansas City Star via AP)

Nin muddo 43 sano u xirnaa denbiyo uusan gelin

Himilo – Bal ka warran haddii laguu soo qabto denbiyo aadan adigu geysan ee inta maxkamad lagu soo taago kugu xukunto xabsi daa’in, ee 43 sano kaddib la ogaaday inaadan lug ku lahayn waxa lagugu xiray, maxaad samaeyn lahayd?

Waa sheekada ninkan madow ameerikaanka ah ee la yiraahdo Kevin Strickland oo cimrigiisa 43 sano ka mid ah ku qaatay xabsi ku yaala gobolka Missouri, ee ku yaala bartamaha galbeed ee Mareykanka.

Toogasho dhacday bishii April 25, sanadkii 1978-kii oo lagu khaarijiyay saddaex ruux, Strickland waxa uu ahaa ruuxa keliya ee ka badbaaday, balse boliiska oo goobta tagay ayaa soo xiray, isaga oo u sheegaya in waxa dhacay uusan danbi ku lahayn.

Waxaa sanad kaddib lasoo taagay maxkamad isaga oo lagu riday xukun xabsi daa’in ah. Markaasi da’diisu waxey ahayd 18-jir.

Muddo bilooyin oo baaris lagu hayay kiiska dilka ah ee loosoo xiray ninkaan madowga ah, ayaa haweeney garsoore ah amartay isbuucii hore in laga siidaayo xabsiga.

Kaddib muddo 15,487 bari ah oo u dhiganta 42 sano iyo bar oo uu xirnaa, Kevin Strickland waxa uu ugu danbeytii yimid bannaanka, isaga oo da’diisu tahay 62-jir oo tintiisii madoobeyd cirrowday.

Wax weliba ma aha sidii uu ku ogaa, waxaase uu la kulmay qoyskiisa oo intaasi filayay inuu maalin iman doono bannaanka.

Kiiskiisa waxa uu noqday midkii ugu waqtiga dheeraa, ee qof loo xiro fal danbiyeed uusan ku kicin taariikhda gobolka Masuuri, marka Mareykanka oo idil loo eegana waxa uu ka mid noqonayaa kuwa ugu waqtiga dheer.

W.Q: Sacdiya Nuur Ciid

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan