Himilo – 29-jir British ah, ayaa qaniinyo ku dhajiyey mid kamid ah dadkii la saarnaa diyaarad rakaab oo kasoo kicitintay magaalada Birmingham kuna sii jiiday jaziiradda Majorca ee dalka Spain.
Rakaabka saarnaa diyaaradda ayaa qeyla dhaan diray markii ay is qabsadeen laba dhalinyaro oo ka mid ah dadkii ay wada socdaalayeen.
Mid kamid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Majorca, ayaa sheegay in la xiray eedeysanaha kadib markii uu dhawaac gaarsiiyay ruux rakaab ah.
Dhibbanaha oo dhaawacu ka gaaray dhagta midig, ayaa loola cararay isbitaala, halkaas oo markii xaladiisu soo hagaagtayna laga saaray, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay boliiska Majorca.
Qoraalkaasi laguma shaacin magacyada dadka falkaasi ku lugta lahaa, balse dagaalka oo ka dhex dhacay diyaaradda waxaa sal u ahaa muran dhex maray dhalinyaradaasi.
In la xabiso ruux qaniinay mid kale, waa dhacdo naadir ah marka la joogo Spain.