Home / Macluumaad / Nin saxan cayayaan ku jiro wada cunay kuna guuleystay dahab badan.

Nin saxan cayayaan ku jiro wada cunay kuna guuleystay dahab badan.

Muqdisho – Nin ku nool dalka Shiinaha ayaa maareeyey cunista saxan cayayaan badan oo ka buuxo si uu ugu guuleysto dahab.

Tartankan ayaana lagu qabtay magaalada Yunnan. Dad badan ayaa isku diiwaan-geliyay inay u tartamaan ku guuleysiga dahabka.

Ka qeyb-galayaasha waxaa la siinayay saxan cayayaan uu ka buuxo inay ku wada cunaan muddo shan daqiiqadood ah sida ugu macquulsan.

Qofka wada cuna cayayaanka waxaa loo balan-qaaday inuu helayo dahab adduun ahaan ku kacaya lacag dhan 1,250$

Markii jalista ama ganbaleelka uu yeeray, ka qeyb-galayaasha qaarkood ayaa indhaha isku laabay markii ay liqayeen cayayaanka – iyaga oo diidanaa inay arkaan waxa ay cunayaan.

Shan daqiiqo kadib, Peng oo ka yimid gobalka Chongqing ayaa ku guuleystay markii uu cunay saxan oo ay ku jireen cayayaan ay kamid yihiin gooryaanka, injir iyo wixii lamid ah.

Durba wuxuu helay dahabka.

Haweeney kale oo ka socotay gobalka Guangdong, ayaa soo gashay booska labaad.

Waxay sheegtay in – in kasta oo guriga ay ku cunto cayayaanka – ay qasab ku noqotay joojinta cunista cayayaanka waayo ayay tiri, wuxuu iila dhadhamay sida qaleel iyo qaraar badan.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan