Nin Shiinaha u dhashay oo lagu qasbay inuu midkood badbaadiyo Hooyadi, Aabihii, Xaaskiisa iyo carruutiisa

130 ruux ayaa geeriyootay 110 kalena waa la la’yahay kaddib daadad dabeylo wata oo ku dhuftay gobolka Hebei ee dalka Shiinaha.

Gao Fengshou, wuxuu ku nool yahay deegaanka Daxian ee magaalada Xingtai. Wuxuu waabariistay aqalkiisa oo biyo xooggan ay soo buux dhaafiyeen iyadoo dabeylo daran ay dhacayeen.

Waxa uu ka war helay in xaaskiisa, labo carruur ah oo uu dhalay iyo Aabihii oo guriga la deggan ay xaalad qatar ah ku sugan yihiin, badbaadintiisuna muhiim tahay.

Hayeeshee sida warbixinadu tebinayaan ninkaan 39 sano jirka ah ayaa si dhaqsi ah uga baxay guriga isagoo u cararay xaafad kale oo canbaar u jirta si uu u soo badbaadiyo Hooyadiis.

Halkan waa guriga Goa oo biyuhu qarqiyeen
Halkan waa guriga Goa oo biyuhu qarqiyeen

Nasiib wanaag waa uu soo badbaadiyay hooyadiis, inkastoo uu awoodi waayay inuu dib ugu laabto gurigiisa daadadka oo xoogeystay awgood.

Saacado kaddib ayuu soo gaaray gurigiisii markii daadadku yaraadeen, isagoon u war heyn reerkiisii inay cid nool ka hartay iyo inkale.

In kabadan 100 ruux ayaa ku naf waayay daadadka
In kabadan 100 ruux ayaa ku naf waayay daadadka

Farxad ayay u noqotay markii uu u yimid qoyskiisii oo wada saaran saqafka sare ee guriga, kana badbaaday daadadkii lagu maashoonayay.

Dhibaatada imminka heysata ninkan sida warbaahinta Shiinuhu tebiyeen ayaa ah in xaaskiisa Zhang ay ka carootay, una dhaqaaqday gobolka bariga dalkaas dhaca ee Shandong oo ay reerkoodu ku nool yihiin, iyadoo ka biyo diidsan go’aanka ninkeedu kaga dhaqaaqay reerka oo uu ku badbaadiyay Hooyadiisa.

 

Xigasho: mirror.co.uk

W/T: Nasri Ahmed Mohamed

Speed03623@gmail.com

error: Copy lama Ogola Fadlan