Home / Macluumaad / Nin subax kasta webi kaga soo dabaasha aqalkiisa ilaa goobtiisa shaqada.

Nin subax kasta webi kaga soo dabaasha aqalkiisa ilaa goobtiisa shaqada.

Muqdisho – Badi socotada magaalada Munich ee dalka Jarmalka waxaa saacado badan kaga baxa socdaalka jidadka mashquulka iyo jaamka la tiictiicaya subax walba, hayeeshe 40-jirka lagu magacaabo Benjamin David, socdaalku wuxuu dhabtii kaga dhigan yahay waaya’aragnimo raaxa leh. Maalin kasta wuxuu kusoo boodaa webiga Isar isaga oo kusoo dabaasha 2 km oo ay ku taallo kobta uu shaqeeyo ee Kulturstrand.

Benjamin David wuxuu kamid ah kumaankunka reer Munich ee isku daya inay aroor kasta shaqadooda kusoo gaaraan adeegsiga gaadiidka nuucyadiisa kala duwan, hayeeshe lab sano kahor wuxuu go’aansaday inuu helo waddo kale oo ka fudud adeegsiga gaadiidka – jawaabteedana wuxuu ka helay webiga Isar.

Wuxuu webigu dhinac maraa aqalkiisa ku yaalla Baldeplatz, in kasta oo qofna uusan u isticmaalin ujeeddo socdaal muddo badan, waxay u noqotay habkii ugu fiicnaa oo uu doortay.

Dadku waxay ku maraan dooman yaryar, tan muhiimka ahina waxay tahay in webigu kamid yahay wadiiqooyinka ugu shacbiyadda badan ee u dhaxeeya magaalooyinka Rome iyo Vienna. Hayeeshe halkii uu ka fuuli lahaa doon, Benjamin wuxuu go’aansaday inuu dabaasho. Tani waxay ahayd qeyb noloshii kamid ah labadii sano ee lasoo dhaafay.

Subax kasta, Benjamin oo ah helaha iyo afhayeenka naadi lagu magacaabo Think Tank wuxuu shaqadiisa uga soo dabaasha aqalkiisa Baldeplatz. Waa inuu soo jaro fogaan laba km ah si uu kusoo gaaro xafiiskiisa taas oo ku qaadata ku dhawaad saacad iyo bar.

Marka uu gaaro dhinaca kale ee webiga, wuxuu isku qalajiyaa shukumaan, wuxuuna xirtaa funaanad isaga oo sii suga saaxiibadiisa kusoo jira socdaalka mashquulka badan ee jidadka.Inta uu ku jiro dabaasha, wuxuu baag yar ku shubtaa maryaha iyo wixii kale oo uu wato sida Laptop, waraaqo iwm. Mararka qaar, boorsadan yar waxay u tahay badbaado uu ku dul nasto marka uu dareemo daal. Wuxuu sidoo kale qaataa kabaha dabaasha si uu iskaga difaaco walxaha qaar ee lagu soo tuuro webiga sida dhalooyinka.

Hayeeshe, in kasta oo ku dabaalashada webi ay halisteeda leedahay, Benjamin waa nin qoys, mana doonayo inuu naftiisa halis u loogo. Sidaas darteed, kahor intuusan usoo bixin shaqada, wuxuu galaa qadka isaga oo hubinaya heerkulka biyaha. Haddii ay suura-gal tahay dabaal, wuxuu soo galaa webiga. Haddii kalana, wuxuu soo raacaa gaadiidka.

Hadda, Benjamin David waa shaqsiga kaliya ee magaalada Munich ku nool kaas oo adeegsada webiga Isar, hayeeshe imaantinka tiro hor leh oo gaaraysa 30,000 sanad kasta magaalada Munich, ciriiriga jidadku uma muuqdaan kuwa is-badalaya.

Sidaas darteed, wuxuu filayaa inuu helo dadka magaalada la degan oo webiga kula dabaasha.

Benjamin-David-swimming 2 Benjamin-David-swimming 3

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan