Home / Habka-Nolosha / Nin u daymoobay gabar uu damac haasaawe ka galay

Nin u daymoobay gabar uu damac haasaawe ka galay

Himilo – Nin walba oo haasaawe billaabaya,  waxaa hubanti ah inuu  wakhti iyo dedaal gelinayo sidii uu u cajabin lahaa gabadha uu doonayo inuu xiriir la sameeyo.

Inta lagu guda jiro is muujinta hore, waxay sheeko wadaagayaashu soo bandhigaan dhaqamo wanaagsan kuwaas oo ay suura gal tahay in laga been-sheegayo.

Nin aan la magaabin ayaa si uu  u qanciyo gabadh, wuxuu geeyay makhaayad isagoo wax walba oo cunto iyo cabbitaan ah u dalbay si uu u muujiyo inuu deeqsi yahay.

Mid ka mid ah shaqaalaha makhaayadda ayaa sheegay inuu ninku muujinayay hab dhaqan wanaagsan isagoo xusay inuu mahadsanid ku dhahayay mar walba oo uu dalab u keeno.

Ujeedka ninka wuxuu ahaa inuu qalbiga gabadha hanto, balse waxaa lagu soo dalacay lacag gaareysa $289 taas oo la sheegay inuu awoodi waayay bixinteeda.

Arrinta kale ee xannuunka leh ee ku dhacday ninka waxay ahayd inuu gabadhii uu kharashkaas u galay hanashadeeda inaysan ka aqbalin xiriirkii jaceyl ee uu u soo bandhigay.

Lammaanayaasha siiba ragga billowga hore waxay sameeyaan is muujin dheeraad ah taas oo laga yaabo inay waxyeelleyn karto xiriirka mustaqbalkooda

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan