Dany Y. Ortiz waa 21 jir aad u jecel cunidda Pizza, isagoo daneeya maallin walba inuu helo nuucyo kala duwan oo Pizza ah, hayeeshee dhibta ugu weyn ee heysta ayaa ah inuusan heysan lacag ku filan oo uu ku iibsado cuntada uu xiiseeyo.
Si uu u helo lacagaha uu ku soo iibsanayo Pizza, wuxuu qaaday marin ah xadidda lacagaha, isagoo si gooni ah u beegsada gawaarida laamiyada dhinacyadooda la dhigto ee aan furaha lagu rogin oo xiriddooda la adkeyn.
Maallintii Isniinta aheyd booliska ayaa gacanta ku soo dhigay ninkan, tuhun soo galay awgii, kaddib dhowr gaari oo maalmo isxiga goobo isku dhow lacag looga xaday.
Baaritaano dheer kaddib booliska ayaa maanta baahiyay in ninkan uu qirtay fal danbiyeedka ah inuu lacago ka xado gawaariga looga tagay hareeraha waddooyinka iyo meela gaarka ah ee la dhigto, isagoo ka dheeraada kuwa xiran ee dhawaaqa kolkii la taabto.
‘Kani waa burcadkii iigu yaabka badnaa 31-dii sano ee shaqada sharci ilaalinta aan ku jiray,’ Sidaa ayuu yiri sarkaal booliska ka tirsan, Thomas Weitzel.
Booliska magaaladda Chicago ayaana xaqiijiyay in ninkan haddii uu gawaarida ugu tago agabyo kale sida laptops, iPads iyo qalabyada danabka ku shaqeeya, uusan wax dan ah ka laheyn oo lacag uun uu raadsado.
Xigasho: chicagotribune.com
W/T: Nasri Ahmed Mohamed
Speed03623@gmail.com