Himilo – Nin u dhashay dalka Masar ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu furo xaaskiisa cusub, isagoo ku andacoonaya inuusan la qabsan karin muuqaalkeeda dabiiciga ah ka dib markii uu arkay iyada oo aan Makeup u marsanayn.
Ninkan Masaarida ah ayaa la sheegay in uu ka codsaday furriinka xaaskiisa oo hal bil ay wada jiraan, sababtoo ah ma uusan la qabsan karin muuqaalkeeda iyada oo aan is qurxin. Sida muuqata, labadoodu waxay ku kulmeen Facebook, halkaas oo haweeneydu ay had iyo jeer soo galiso sawirro soo jiidasho leh oo nafteeda ah,laakiin ninka aan la magacaabin ayaa ka helay iyada oo soo jiidasho leh, wuxuuna go’aansaday inuu guursado. Dhibaatadu waxay bilaabatay subaxii ka dib habeenkii arooska markii uu ninku arkay aroosadiisa oo aan isqurxin markii ugu horreysay.
“Waan naxay. maadaama aysan u ekayn qofka aan la kulmay dhowr jeer guurka ka hor,” sayga oo niyad jabay ayaa dhawaan u sheegay Maxkamadda Qoyska ee Heliopolis. “Waxa aan ku arkay Facebook-ga sawiradeeda, gabi ahaanba way ka duwan tahay marka aanay lahayn Makeup. Waa la i khiyaaneeyay oo waxaan doonayay inaan furo.
“Waa la i khiyaaneeyay ,maadaama ay is qurxin jirtay ka hor guurka,” ayuu ninku ku daray. “Laakiin arooska ka dib, waxaan arkay wajigeeda dhabta ah iyada oo aan quruxsanayn, waxay u egtahay mid fool xun.”
Warbaahinta Masar ayaa ku warrantay in ninka uu maxkamadda u sheegay in uu isku dayay in uu ka gudbo muuqaalka aan quruxda lahayn ee xaaskiisa.balse muddo bil ah oo ay isqabeen ayuu go’aansaday in uu furo.
“Waxaan arkaa iyada marka ay kacdo, muuqeedana gabi ahaanba wuu ka duwan yahay kii aan aqaanay markii aan guursaday.”
Arrinta xiisaha lihi waxay tahay in kiis la mid ah kiiskan oo kale la soo sheegay sannadkii 2016-kii, markaas oo nin Imaaraadka Carabta u dhashay uu isku dayay inuu furo xaaskiisa ka dib markii uu arkay iyada oo aan Makeup u marsanayn markii ugu horreysay.