Home / Macluumaad / Nin xarun daryeel u furay Eeyaha howl-gabka noqda.

Nin xarun daryeel u furay Eeyaha howl-gabka noqda.

Muqdisho – Bai Yan, qalbi-jilcane ku nool Hangzhou ayaa dhawaantan soo jiitay indhaha bulshada caalamka kadib markii la ogaaday in 7 sano ee lasoo dhaafay uu lacag dhan $150,000 ku bixiyay daryeelka iyo xanaanaynta Eeyaha howl-gabka noqday halkaas oo kuwii lasoo shaqeeyey ay helayaan baxnaano.

55 sano jirkan ayaa booliska kamid noqday sanadkii 2004 isaga oo 30 ku dhawaad tababbaray. Wuxuu la qaataa waqti fiican la socdaa xaaladdooda. Wuxuu dhawaan saxaafadda u sheegay inuu sama-falkan bilaabay markii uu arkay Ey waayay daryeelkii uu mudnaa kadib howl-gabnimadiisa. Milkiilihii iska lahaana uu kaga dhaqaaqay ban cidlo ah.

“Waxay ila tahay argagax inaan eego sida dayacan ee looga dheeraaday Eeyaha markii lagu xamaashay,” ayuu yiri. “Waana markii aan go’aansaday inaan wax sameeyo.”

Shaqooyinka maalinlaha ah ee uu baxnaano ah ugu sameeyo Eeyaha howlgabay waa siinta cunnada ay rabaan, dawaynta ay u baahan yihiin iyo inuu la qaato socdaalka ay tabayaan inay bannaanka ugu baxaan.

Waxa yaabka leh ayaa ah in xaruntiisa banxaanada ay leedahay xabaalo lagu duugo kuwa dhinta. 26 kamid ah kuwii uu xanaaneyn jiray ayaana lagu aasay.

“Waxaan rabaa inaan ka farxiyo,” ayuu yiri. “Inaan siiyo wax u dhigma dadaalkii ay ila soo baxsheen.Waa sida qoyskayga xubno kamid ah.”

In kasta oo uu qiray inay jiraan samafalayaal ugu yeeray inay gacan siiyaan, haddana wuu ku gacan-seyray. Wuxuu tallaabadiisa ugu yeeray mid lamid ah mas’uuliyadda reerkiisa ka saaran.

Bai-Yan-police-dogs2-750x473 Bai-Yan-police-dogs7-750x452 Bai-Yan-police-dogs5-750x619

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan