Home / Macluumaad / Ninka sida Taallada isku taagayay 30-kii sano ee lasoo dhaafay

Ninka sida Taallada isku taagayay 30-kii sano ee lasoo dhaafay

Muqdisho – 54-jir lagu magacaabo Abdulaziz ayaa sida Taallada isku taagayay 30-kii sano ee lasoo dhaafay. Taagnaanta lix saacadood maalin walba iyo iska caabinta isku dayga dadku ay ku dhaqaajin karaan, kaga qoslin karaan iyo wixii lamid ah, ayaa dad badan ka dhigtay inay rumeystaan inuu yahay Taallo dhab ah. Qof kale muusan awoodin inuu sidaas sameeyo.

Abdulaziz oo loogu yeero India’s Statue Man”, wuxuu taniyo sanadkii 1985-kii u taagnaa sida taallooyinka, kagadaal markii uu shaqo ilaalineed ka helay xarunta dalxiiska ee Chennai ee dalka Hindiya.

Kadib tijaabo dheer oo loo galay in sida taallada la isku taago – iyada oo aan in yar oo dhaqdhaqaaq ah la muujin, Abdulaziz wuxuu kasoo dhalaalay imtixaankaas.

Abdulaziz ma ahan qofka kaliya ee sida taallada isku taagi kara, hayeeshe waxa ka dhigay gaaroodi – unique, ayaa ah inuu muddo lix saacadood oo xiriir ah uu taagnaan karo isaga oo aan indhaha libirsan tiiyoo dadku ay isku dayaan inay argagax geliyaan, ka qosliyaan, balse in yar oo fal-celin ah kama bixiyo.

Wuxuu shaqadiisa ku mutay amaan iyo abaal-gud. Waxaana intaas dheer inuu caan ka yahay dunida ka baxsan Hindiya, waxaana jira jilayaal Bollywood katirsan oo damaashaad ugu yimaada. Mushaharkiisuna wuxuu ka saramay madadaaliyaasha kale ee lamidka ah.

Nasiib-darro, 54-jirkan wuxuu naawilayaa inuu shaqada ka fariisto. Wuxuuna kol hore bilaabay inuu xirfaddan u tababbaro qofkii baddali lahaa.

Statue-Man5-750x563 Statue-Man6-750x563 Statue-Man

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com.

 

 

About radio himilo

One comment

  1. generic for cialis until a sentence is awarded in the case and that sentence is approved by the convening authority

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan