Home / Macluumaad / Ninka ugu dheer adduunka oo qeyb ka jilaya Film Hollywood ah oo la soo saari doono.

Ninka ugu dheer adduunka oo qeyb ka jilaya Film Hollywood ah oo la soo saari doono.

Suldaan Kosan oo ah ninka loo aqoonsanyahay inuu yahay shaqsiga ugu dheer adduunka ayaa bilaabaya inuu qeyb ka jilo film Hollywood ah oo la filayo in la soo saaro bilaha soo socda.

Filmkan oo loogu magac daray “ ka mira dhalinta waxyaabaha aan suuragaleyn” ayaa noqonaya filmkii ugu horeeyay ee Suldaan Kosan uu qeyb ka jilo.

Suldan oo warbaahinta arrintan kala hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu ogolaaday inuu filmkaasi jilo rajo wanaagsan ayuuna ka muujiyay in filmka soo bixi doona ay dad badan ka heli doonaan.

Waxa uu intaa raaciyay Suldaan oo dhirirkiisu dhan yahay 2 mitir iyo 51cm in muddo labo bilood ah ay qaadan doonto soo saarka filmka oo lagu jili doono Mareykanka.

“ waxaan rajeynayaa in taageero badan uu heli doono filmka, waan daawan jiray filimaanta, waana jeclahay “ sidaasi waxaa yiri ninka adduunka ugu dheer Suldaan Kosan.

Waxa uu intaa raaciyay inuu ka helay Sheekada filmka uu jili doono, loona sheegay qeybta uu filmka ku leeyahay.

“waxaan ku jili doonaa filmka qof aan gacmo iyo lugo laheyn “ hadalkiisa ayuu intaa raaciyay.

Ugu danbeyn waxa uu sheegay Suldaan in marka uu jilo filmka kadib uu tagi doono Australia halkaasi oo uu filmkiisa 2aad ku jili doono.

Waxaa xusid mudan in Suldaan imminka loo aqoonsanyahay inuu yahay ninka ugu dheer aduunka ,Sanadkii 2009 ayay hey’adda Guiness World Records u aqoonsatay diiwaankaas.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan