Home / Aragtida Islamka / Ninkii naafada ahaa oo afadii daryeeli jiray furay kadibna naag kale guursaday!

Ninkii naafada ahaa oo afadii daryeeli jiray furay kadibna naag kale guursaday!

Himilo_
Haweeney Malaysian ah oo muddo lix sannadood ah daryeeli jirtay seygeeda oo sariiryaal ahaa ayaa ku dhawaaqday inuu furay kadibna uu xaas kale guursaday!
Nurul Syazwani waxay si joogto ah usoo dhigi jirtay baraha bulshada nolosha dib usoo kabashada leh oo seygeeda helayo maalinba maalinta ka dambeysa. Waxaa la arki jiray iyada oo u qubeynaysa, dharka iyo xafaayadda ka beddelaysa kuna qaloonbiyaysa cunno. Shil gaari oo uu galay ayuu kasoo gaaray dhaawacan. Si uu dib cagihiisa ugu istaagana waxay ku qaadatay muddo lix sannadood ah.
Dadka gaaraya 32,000 ayaa kusoo xirmay barteeda ay soo dhigto muuqaallada seygeeda oo ay daryeeleyso. Waxaana ay la yaabeen in seygeeda aanu kala furin balse uu naag kale guursaday. Iyada ayaana warka arooskiisa soo dhigtay barteeda – iyada oo weliba u hambalyaynaysa.
“Hambalyo seygaygiyow, nolosha cusub ee idin bilaabatay adiga iyo Aifa Aizam, waxaan kuu rajaynayaa inay kuu daryeesho si lamid ah sidaan kuu daryeeli jiray,” Nurul ayaa qoraalkan oo markii dambe la tiray soo dhigtay barteeda Facebook.
Dad badan ayaa tallaabadan ku qeexay abaal-dhac iyo gef in gabar usoo rafaaday bogsashadiisa uu furo kaddibna gabar kale ka guursado. Laakiin Nurul ayaa dadka ku xiran ugu baaqday inaysan xumaan u arag seygeeda oo dhanka fiican ay ka fiiriyaan xaaladda taagan. Waxay sheegtay inay isku af-garteen seygeeda inay isla korsadaan gabadha ay isku dhaleen.
Qoraalka ay markii dambe hawada ka saartay ayay soo raacisay raali-gelin ay siisay seygeedii hore iyo afadiisa cusub maadaama ay kusoo jeediyay indhaha caalamka.
“Ilama ahan inuu gutay kaalintii looga fadhiyay, wuxuuna noqday sey abaal dhacay, waxayna u muuqatay inuusan qalbi naxa lahayn,” ayuu soo qoray mid kamid ah dadkii ka falceliyay!

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan