Home / Habka-Nolosha / Nolosha mataanaha labada lugood wadaaga

Nolosha mataanaha labada lugood wadaaga

PAN iyo Pin waa mataano isku dheggan oo ka soo jeeda Thailand – labada gabdhood ayaa isaga dheggan sinta, taas oo la macno ah inay wadaagaan labo lugood oo kaliya. Kala saarista Pan iyo pin waa suurtagal, laakiin waa hawl khatar ah oo cajiib ah oo leh 50/50 fursad badbaado ah.

Ayeeydood Noknoi ayaa korineysay tan iyo dhalashadooda, sababtoo ah waalidkood way awoodi waayeen inay daryeelaan.

 “Bilowgii waxay ahayd mid adag, sababtoo ah weligay waxaan koriyay ilmo hal madax leh.” Noknoi ayaa sidaasi tiri.

Pan iyo Pin hadda way kobcayaan, si kastaba ha ahaatee, maadaama ay barteen inay socdaan oo ay xitaa awoodeen inay si madaxbannaan u ka xeeyaan baaskiilka.

“Waa inaan iskaashannaa, waxaa jira waqtiyo ay lugaheennu si fiican u taageeri karin miisaankeena, aad ayaan u dhacnaa,” Pan iyo Pin ayaa sidaas yiri.

Maadaama ay caloosha wadaagaan, mataanaha sidoo kale waa inay si gooni ah u cunaan si ay uga fogaadaan dhibaatooyinka dheefshiidka. Inkastoo ay jiraan dhibaatooyin, mataanaha ayaa sheegay inay jecel yihiin isku xirnaanta sababtoo ah waxay la macno tahay inaysan weligood cidlo dareemi doonin oo mar walba midba midka kale taageerayo.

Waxaan xannaaneenayaa tan iyo dhalashadoodii, hadda waa 12 jirro, Labadii bilood ee ugu horreysay waxay ku jireen Cisbitaalka, kaddib guriga ayaan keenay, waxaa jira kiisas yar oo mataanaha isku dheggan ah, kuwaas oo weli nool, waan ogahay in waalidiintooda aysan awoodin inay xannaaneeyaan mataanaha, maxaa yeelay labadoodaba waxay shaqeeyaan habeenkii, waqti ma hayaan, sidaa darteed waxay na weydiisteen inaan Pin iyo Pan korinno.

Diyaar ma nahay? Haa, inna marriya aan xogaa malaay ah dubnee, saliida ku shub, dabool, taxaddar, horay ayaan ugu daray cusbada.

Waxaan baray sida wax loo kariyo, markii ay 10 jir ahaayeen, dhaqtarka waxa uu yiri, mid ayaa inyar cuni karta ama inaysan hal waqti wax wada cunin, tusaale ahaan Pan ayaa ugu horreyn cuneysa kaddibna Pin, hadii ay isku xilli cunaan, Dheefshiidku waa mid aan joogto ahayn waxayna sababi kartaa calool xanuun.

Hadii ay rabaan inay u socdaan sida dadka kale waa inay iyaguna isku dayaan, ugu horreyntii ma dooneynin inay socdaan, Waxay igu celcelinayeen inay luguhu xanuunayaan markay socdaan. Sidan innagu ma dooran, iyaguna ma aysan dooran, xaqiiqduse waa inay waligood wadajir ahaan doonaan, sidaa darteed waa inaan caawinaa mid kasta oo kamid ah ah.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan