Home / COVID 19 / Nooc cusub oo coronavirus ah oo laga helay UK

Nooc cusub oo coronavirus ah oo laga helay UK

Himilo – Feyruskaasi cusub ayaa ah mid si deg-deg ah u fidaya marka loo barbardhigo midkii horrey loo yaqaanay, balse lama hubo in dadani ay u dhiman karaan, sida ay qortay BBC-da.

Boris Johnson, ra’iisul wasaaraha Britain ayaa sheegay in noocan cusub uu 70% ka faafi ogyahay midkii hore,inkastoo saraakiisha caafimaadku xaqiijinayaan taasi. Waxaa muhiim ah in la ogaado sida ay qabaan khubarada caafimaadka dabeecadaha iyo saameyn uu yeelan karo feyruskan cusub

Si la mid ah UK, WHO hay’adda caafimaadka adduunka, ayaa sheegtay in qeybsan kale laga helay dalalka Netherlands, Denmark iyo Australia. Lama helin wali cadeymo muujinayo noocaan cusub inuu falcelin wanaagsan ka bixin tallaalka covid-19 iyo in kale.

Qeybo badan oo ka mid ah koofur-bari England oo ay ku jirto caasimadda Lon ayaa lagu soo rogay xayiraado cusub oo adag, si loo xakameeyo feyruska sii fidiya.

Dowladaha reer Yurub qaarkood ayaa mamnuucay safaradii cirka iyo dhul ahaa ee kaga iman jiray UK, waxaana ka mid ah wadamadaasi Netherlands, Italy iyo Belgium. Isbuucii hore dalka Koofur Africa ayaa shaaciyay isna feyrus cusub oo corona ah, taasi oo sii kordhin karta walaaca la qabo.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan