Home / Habka-Nolosha / ntonio Conte ” Fabregas iib maahan”.

ntonio Conte ” Fabregas iib maahan”.

Macalinka kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa wuxuu qiray inuusan doonin iibinta xidigiisa khadka dhexe reer Spain Cesc Fabregas, inta lagu gudi jiro suuqa xagaagan.

Hadalkan kasoo yeeray macalin Antonio Conte ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in saxiixa Fabregas uu si aad ah u xiiseenayo macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho.

“Aad Baan ugu faraxsanahay in xidig sida Fabregas oo kale aan ku dhax haysano safkeena, Runtii si wanaagsan ayuu u shaqeeyaa marka uu ku gudi jiro tababarka, si uu anigu ii qanciyo, wuuna istaahilaa inuu qeyb ka noqdo safka kooxdeyda”.Macalin Antonio Conte ayaa sidaa yiri,

Macalinkan reer talyaani ayaa ugu danbeyn wuxuu shaaca ka qaaday in kooxdiisu ay xili ciyaareedkan u qalanto inay ku guuleysan karto horyaalka Premier League.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan