Badi dadku waxay isticmaalaan dunidan la joogo telefoonaadka caqliga saaxiibka u ah, kuwaa oo laga helo tiro badan oo Applications ah oo si weyn loo adeegsado.
Dad badan ayay qasab ku noqotaa in goobaha ay u dhaqaaqayaan ay u sii qaataan danab dabeeye, maadaamu telefoonkoodu aanu shidnaan karin 24 saac isagoon la danabeyn, macquulna ay tahay inaanay heli karin danab dabeeye ugu diyaar ah goobaha ay u socdaalayaan.
Si aad uga dheeraato caqabadda noocaan ah, waxaan kuu heynaa tiro Applications ah oo ay tahay inaad telefoonkaaga ka saarto si aad u dhaqaaleyso batariga.
Xog ururin la sameeyay intii ka dhexlaheyd bilihii Janaury iyo April ayaa lagu ogaaday in 10 Application ay halis badan ku yihiin danabka telefoonka, walow isticmaalkoodu dad badan ay muhiimad gaar ah siiyaan.
1) Facebook
Inkastoo badi dadku isticmaalaan Facebook, haddana nasiib darro waa mid kamid ah Application-nada caqabadda ku ah danabka.
2) Google Maps
Waa Applicationka ugu faa’idada badan kuwa liiskan ku jira, ogowse goor walba oo aad isticmaasho godadka telefoonkaaga danabkiisa hoos u dhac ayaa ku imaanaya.
3) Facebook Messenger
4) Instagram
5) BlackBerry Messenger
6) Chat0n
7) Kik
8) WhatsApp
9) WeChat
10) The Weather Channel
Liiskan waxaa ku jira dhammaan Applications loo isticmaalo isku xirka bulshada iyo wada sheekeysiyada.
Xigasho: Metro.Co.uk
W/D: Nasri Ahmed
Speed03623@gmail.com