Taageerayaashii ugu badnaa cayaaraha gobollada dalka ayaa soo xaadiray galabta garoonka Banaadir, qof walba oo hore u daawan jirayna horyaalka Soomaaliya waxaa soo galay tuhun ku saabsan cidda dheeleysa, Ma Jeenyo iyo Banaadir SC mise Gobollada Banaadir iyo Puntland?
Cayaartoyda Puntland ayaase wajahayay kuwa gobolka Banaadir kulanka ugu danbeeya ee Group A, waana cayaar aad u xiiso badneyn oo hal abuur iyo farsamo lagu laray.
Qeybtii koowaad ee cayaarta gool qura ayaa dhashay, waxaana dhaliyay Cabdullaahi Cabduqaadir Yuusuf oo lanbarka 15aad u xirta Puntland.
Bilowgii qeybtii labaad, daqiiqaddii saddexaadba Axmed Cabduqaadir Shariif ayaa cayaarta ka dhigay barbaro, inta aanay labo daqiiqo kaddib markale hogaanka qaban Puntland oo gool ka heshay Faarax Daahir Faarax.
Daqiiqaddii 58aad, laad xor ah ayuu shabaqa ku hubsaday Xassan Cabdulaahi Sheikh Nuur oo lanbarka 10aad u xirnaa xulka Banaadir.
Cayaarto oo ay u soo daawasho tageen taageerayaal kumanaan dhamaa iyo masuuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Nuux, ayaa ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah, taa ayaana ka dhigan in labadan xul ay wadarta dhibcaha ka siman yihiin, hayeeshe farqiga goolasha awgii xiddigaha Banaadir ayaa booska koowaad ku soo baxay wareegga koowaad.