Qoys lacag gaareysa $25,000 ku waayay si lama filaan ah

Himilo – Shaqaalaha nafaadda ee gobolka Ohio ayaa helay $25,000 oo Dollar. Lacagta ayaa si aan ku tala gal aheyn loogu soo riday haamaha haraadiga qashin qubka.

Waaxda fayo-dhowrka ee degmada Lorain ayaa sheegay in bashqadda lacagta ay ka dhex heleen haamaha iyo jawaanada qashinka ee maalilaha loo aruuriyo.

Gary Capan kormeeraha shaqaalaha nadaafadda ayaa sheegay inay lacagta dib ugu celiyeen qoyskii lahaa oo ku soo wargeliyay inay lacagi ka maqan tahay.

Xilliga hawlaha nadaafadda guryaha laga wado waxaa dhacda in waxyaabo muhiim ah lagu daro qashinka la tuurayo  iyadoon aad looga fiirsan balse dib laga tabo.

error: Copy lama Ogola Fadlan