Home / Macluumaad / Oktobar – Bil kulmisay dhacdooyin Xasuus innagu leh!

Oktobar – Bil kulmisay dhacdooyin Xasuus innagu leh!

Muqdisho – Markii aad dhageysaneyso heesta Qarni waliba Sebenkii,  qorraxiba dharaarteed, waxaa daremeysaa in maalmuhu isku si aysan gabbalku ugu dhicin, waaguna ugu baryin. Seben walbana uu xanbaarsan yahay dhaxalkii gaarka ah.

Hayeeshe, maalin walba waxay lasoo baxdaa wajigeeda qaas ah, waxayna la hoyataa taariikh u goonni ah. Haddana dhammaan maalmuhu ma wada ahan kuwa si la tilmaami karo xusuusteenna ugu wada jira.

Waxaa jira maalmo qofka ku weyn sida goortuu dhashay, Ilmo u dhasheen, maalin uu lumiyay qof ku weynaa qalbigiisa iyo geesta kale maalmo farxad ugu idlaatay sida inuu guursaday. Isla sheekada ku saabsan nolosha hal qof ama qoys, mararka qaar waxay noqon kartaa mid kulmisa masiir qaran iyo mujtamac dhan noloshooda.

Balse marka laga yimaado dunta hoose ee bulshada – qof iyo qoys labadaba – sheekooyinka taariikhda gala waxay aalaaba ku dhismaan heerka ay maqaam ahaan ka joogaan qaranka. Halka aan la isku diidayn in qof ka baxa qoyskiisa aysan wada tiiraanyeyn karin qaranka oo idil, haddana waa tirada geerida waxa gilgili kara quluubta shacabka markay maqlaan iyo dhinaca marka arrin weyn oo umadda oo dhan wada raadeysa ay dalka ka dhacdo.

Sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya marka aan dib-u-milicsanno waxaan arkeynaa maalmo murugu iyo mahadho reeba iyo maalmo baraare iyo wanaag nagu fura, balse arrinta la yaabka leh ee aan doonayo in aan ka hadlo waxay tahay inta badan dhacdooyinka ina soo maray inay kusoo beegmaan bisha Oktobar,  Tusaale markii ugu horreysay oo Calan Soomaaliyeed la taago waxay ku beegneyd bisha Oktober, Qaraxii ugu weynaa ee goob qura ku dhibaateeya in ku dhaw kun qof wuxuu dhacay bisha Oktobar,

Haddaba aqriste waxa halkan ku dhigan 11 dhacdo oo Soomaaliya ka dhacay bisha Oktobar, Waana kuwii ugu waaweynaa diiwaanka bishaan kuwa inoogu dhigan;

  1. 5 Oktobar 1949, Waxaa muqdisho ka dhcay dagaal adag oo looga soo horjeeday gumeysiga, dagaalkaas oo ku caanbaxay magaca  ‘Dagax tuur’.
  2. 12 Oktobar 1954, Waxay ahayd markii ugu horreysay oo Calan Soomaaliyeed la taago kaddib markii uu  naqshadeeye (hindisay) halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan.
  3. 15 Oktobar 1969, Toogasho ka dhacday magaalada Laascaanood waxaa lagu dilay Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharma’arke, Waana madaxweynaha keliya ee shirqool ku dhintay tan iyo xurnimadii dalka.
  4. 21 Oktobar 1969, Ciidamadii Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa qabsaday xukunkii dalka lix maalmood kaddib dilkii madaxweyne Sharma’arke.
  5. 21 Oktobar 1972,  Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaa ka horreeyey aan dhigaal rasmi ah helin.
  6. 3 Oktobar 1993, Sideed iyo toban katirsan ciidanka Mareykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho kaddib markii dagaal adag ay kala horyimaadeen askar uu hoggaaminayo Jaranaal Maxamed Faarax Ceydiid.
  7. 15 Oktobar 2002, Shirkii 14aad ee Nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.
  8. 10 Oktobar 2004, Baarlamaanka FKMG waxay Madaxweyne u doorteen AUN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
  9. 14 Oktobar 2010, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo biiray dowladdii uu hoggaaminayey Sharif Sheikh Axmed kaddib markii ra’iisulwasaare loo doortay.
  10. 4 Oktobar 2011, Waxaa qarax xoogan uu ka dhacay Xarunta Harkaha iyo Saamaha oo ay ku geeriyoodeen dad u badan arday Soomaaliyeed oo wax-barasho lacag la’aan ah ka helay dalka Turkiga.
  11. 14 Oktobar 2017, Maalin aan la hilmaami karin, waxaa mar qura lawaayey dad ka badan 500 oo ruux oo Soomaali ah markii qarax gaari lagu soo raray uu ka dhacay Isgoyska Zoobe, musiibadan ayaa Soomaaliya ka dhigtay meesha keliya ee Qaarada Afrikaa oo daqiiqad lagu dilay dad intaas tiradoodu la’eg tahay.

Ku dar wixii aan ka tagay oo ka dhiman dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacay bisha October.

Qore: Ali Abdulle Hilowle.

E- Mail: Calikaafi9@gmail.com

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan