Himilo – Tababaraha kooxda Manchester United, Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in Harry Maguire uu sii ahaan doono kabtanka kooxda xagaaga cusub.
Maguire oo 27 sano jir ah ayaa noqday daafaca ugu qaalisan dunida kaddib markii United kaga soo biiray Leicester adduun dhan £80million bishii August 2019.
Hoggaamiyaha kooxda United, Solskjaer ayaa sheegay in laacibkaan uu sii ahaan doono kabtanka naadiga, shakinna uusan ku jirin doorkiisa hoggaamin.
“Isagu waxa uu noqonayaa kabtankeenna, waxaan si wadajir ah ula dhaqaaqi doonaa isaga iyo saaxibbadiisa si loo gaaro horumar,” ayuu Solskjaer u sheegay mareegta kooxda United.
Waxaa xilka kabtannnimo loo magacaabay bishii January kaddib markii uu Ashley Young ku biiray Inter Milan.