Himilo – Ole Gunnar Solskjaer, macalinka kooxda Manchester United, ayaa qirey inay kooxdiisa u qalantay in laga badiyo kulankii ay la qaateen xalay dhigooda Crystal Palace, markaas oo 3-1 lagaga badiyey.
“Waxaan ku billawnay si liidata oo gaabis leh, waxaana u muuqaney koox ku jirta diyaar garowgeedii hore, waa ay innaga fiicneed kooxda nala ciyaareeysay” ayuu u sheegay Ole, Sky Sports.
Waxa uu tilmaamay inay qalad ahayd go’aankii kooxda Crystal Palace loogu dhigay gool ku laadka, balse aanan qiil loo hayn guul darrada gaartay kooxdiisa.
Dhanka kale Luke Shaw, oo ka hadlay ciyaartii xalay, ayaa sheegay in kooxdu u baahan tahay inay soo qaatado ciyaartooy kahor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan.